Hidaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed ee dalka Talyaaniga
Rome, Italy
Somaliyey Toosa waa urur samafal oo loo aas aasay in ay taageero u fidiyaan dadka somaliyeed ee ku dhibateesan wadanka talyaniga iyo waxay kaloo caawinaad u fidiyaan wadanka Somalia marka ay dhibaatooyin ay ka dhacaan
Somaliyey Toosa waa urur samafal oo loo aas aasay in la taageero dadka Soomaaliyeed ee ku dhibaataysan dalka Talyaaniga. Waxaan caawin u fidinnaa dadka Soomaaliyeed ee xabsiyada ku jira. Dad badan oo dhibaato ku jiray ayaan si nabadgelyo leh ugu celinaa dalkooda hooyo. Dadka kala lumay ayaan. waxaan dib u mideynaa dadka kala maqan, Waxaan ka caawinnay qoysaska Soomaaliyeed iney dib u helaan xubnaha ehelkooda oo muddo dheer kala maqnaa.
Howlaheenna waxay horseedeen in dad badan oo dhibaato ku jiray aan si nabadgelyo leh ugu celinno dalkooda hooyo.
Somaliyey Toosa waxa sidoo kale ka go’an tahay ilaalinta iyo dhiirrigelinta dhaqanka Soomaaliyeed. Waxaan bilawnay qabashada Isbuuca Hidaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed ee dalka Talyaaniga sanadkii 2022.
Saameyntayada Sanadihii la soo dhaafay, waxaan saameyn weyn ku yeelanay oo siinay gargaar deg-deg ah, daryeel caafimaad, iyo taageero sharci dad Soomaaliyeed oo ku dhibaataysnaa dalka Talyaaniga.
Sidoo kale, waxaan kaalin mug leh ka qaadanay baafinta iyo dib u soo celinta dad Soomaaliyeed oo la waayey iyo in la mideeyo qoysas kala maqan.
Gudaha dalka Soomaaliya, waxaan ka qayb qaadanay afurinta dadka Soomaaliyeed iyo gargaaridda dadka ay waxyeelladu ka soo gaartay fatahaadaha wabiga Shabeelle.
Waxaan caawin u fidinnaa dad badan oo dhibaato ku jiray, dadka kala lumay ayaan dib u mideynaa. Dadka kala maqan waxaan ka caawinnay qoysaska Soomaaliyeed iney dib u helaan xubnaha ehelkooda oo muddo dheer kala maqnaa.
Automated page speed optimizations for fast site performance